Waxaa lagu wadaa in dhawaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in lagu qabto doorashada kursiga HOP#176 ee ka bannaan Golaha Shacabka, kaas oo uu ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow.
Guddiga KMG ee doorashooyinka oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa kormeer ku tagay hoolka ay ka dhici doonto doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176.
Waxaa Magaalada Baydhabo siwyen looga dareemayaa qaban qaabada doorashada Kursiga HOP#176 oo ay u sharaxan yihiin ilaa dhowr siyaasi, waxaana la filayaa in doorashada kursigaan in uu ku guuleysto Musharax uu wato Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa socday buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka, waxaana qabsoontay doorashada kuraasta kala ah, Hop#147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Hop#86 oo horay loogu diiday Fahad Yaasiin & Kursiga HOP#203 oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.