Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Axad ah ay Magaalda Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ku qabtaan doorashada hal kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in la qabto doorashada Saddex kursi balse is qabqabsi weli kajira laba kursi dib loo dhigay doorashadooda, waxaana Maanta kaliya la qabanayaa doorashada kursiga Hop#140.

Kursigaan ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabduqaadir Cosoble Cali, waxaana doorashada Maanta kula tartami doona Cabdikariin Cilmi Tifoow.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in dhawaan uu soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, waxaana uu cadaadis kala kulmayaa wakiilada Beesha Caalamka oo doonaya in la dhameystiro doorashaooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here