MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii saacado ka hor Golaha Wasiiradu xilka ka qaadeen Taliyihii Milateriga Somalia Odawaa Yuusuf Raage islamakaana ku badaleen Jen.Ibraahim Maxamed Maxamuud inuu xilkaas qabto ayaa waxaa durba soo baxeysa in xil ka qaadista loo tiirsho Dowlada Turkey inay ku lug leedahay.
Jen.Ibraahim Maxamed Maxamuud waxa la sheegay inuu ka mid yahay saraakiisioi ay Dowlada Turkey soo tababartay oo soo saartay sidaas daraadeed ayaa loogu tuhunsan yahay Turkidy inay Dowlada ku cadaadiyeen in xilka loo dhiibo wiilka ay soo tababarteen ee Jen.Ibraahim Maxamed Maxamuu.
Sidaas si la mid ah waxaa iyana taagan suurtagalnimada in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab madaama xisaabta awood qeybisga Beelaha marka laa eego ay isku jufa hoose yihiin Taliyaha Milateriga ee hada lagu badalay Jen.Odowaa sidaas daraadeed ay u badan tahay in Gobolka Banaadir loo magacaabo shaqsi kale.
Isbadaladaan oo dhan waxay imaanayaan xili muda xileedka Madaxweyne Xasan ay ka harsan tahay waxaan 4 bil dhameyn.

