MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Xuseen Macalin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan ayaa sheegey inay gabi ahaanba Alshabaab soo afjarayaan ka hor bisha Febrayo ee sanadka cusub.

“ Dagaalka Ka dhanka ah Khawaarijta Wajigiisi kobaad waa soo afmeermay, waxaana qorshaha noogu jiro in si dhaqsi leh loo soo afjaro dagaalkaan ka hor Bisha February ee 2024.”ayuu yiri isagoo xalay syu’aalo uga jawaabayay shacabka mar uu live u fadhiyay TV-ga Qaranka.

Advertisement

Sarkaalkaan wuxuu tilmaamay in howlgalka uu habac geliyay roobabkii da’ay iyo fatahaadihii balse ay hada soo afjarayan howlgalka Alshabaab ka dhanka ah.

Lama oga sida Dowladu mudadaasi kooban ee halka bil ka badneyn dalka oo dhan uga saari karto Alshabaab xili la ogyahay in wajiga koowaad uu qaatay sanad islamarkaana wali wax u sii harsan yihiin wajiga koowaad laftigiisa.

La taliyaha dhanka Amniga ma uusan sheegin iney Dowladu hub waa weyn adeegsan doonto sida Taangiyo iyo diyaarado madaama cunaqabteynta hubka laga qaaday Soamalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWarbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya
Next articleDAAWO: Cududa Ciidamada Dowlada ee ku wajahan Degmada Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here