HomeWarkiiDowlad Afrikan ah oo ku eedeysay Somalia iyo Kenya inay taakuleeyaan Falaago...

Dowlad Afrikan ah oo ku eedeysay Somalia iyo Kenya inay taakuleeyaan Falaago dalkooda ka dagaalanta

Masuuliyiinta Dalka Koongada Dimuqaraadiga ayaa si wada-jir ah waxay ugu eedeysay Somalia iyo Kenya inay taakuleeyaan falaagada M23 ee ka dagaallanta Gobolka Sud Kivu ee bariga dalkaas sida ay sheegtay idaacada BBC laanteeda afka Somaliga.

Sidoo kale Dalka Congo wuxuu ku eedeeeyay Soomaaliya iyo Kenya inay ciidamo u direen falaagada M23 si ay uga dhinac dagaallamaan kooxdaasi sida uu sheegay 4 maalin ka hor Gudoomiyaha Gobolka Sud Kivu kaasoo tilmaamay inay Soomaalida iyo Kenyaanku ka dhinac dagaalamayeen falagada M23 ee gobolka Hauts-Plateaux inkastoo uusan cadeyn soo bandhigin.

Gudoomiyaha Gobolka Sud Kivu ee Dalka Congo wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Somalia iyo Kenya ciidamada ay soo direen inay qeyb ka yihiin dhimashada iyo barakaca lagu hayo shacabka dalkooda gaar ahaana meelaha dagaaladu ka socdaan.

Dalka Koongada Dimuqaraadiga waxaa hore loogu ogaa inay Kenya iyo Ruwanda ku eedaayaan inay caawiyaan falaagada M23 balse waa markii ugu horeysay oo eedeynta ay ku soo daraan Soomaaliya xili waliba Somalia xuduud-ba la lahayn Dalka Koongada Dimuqaraadiga.

Dowlada Somalia wali kama hadlin eedeymahaan ka yimid Dalka Koongada Dimuqaraadiga xili Somalia dhibaatada gudaheeda ay la daalaa dhaceyso.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -