HomeWarkiiDowlada Britain oo dhulka ku jiiday damaca Israa'iil ee kala jarka Somali-weyn

Dowlada Britain oo dhulka ku jiiday damaca Israa’iil ee kala jarka Somali-weyn

NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Shirkii xalay ka dhacay Qaramada Midoobe ee loogu dhameeyay damacii Israa’iil ayay dalalka ugu waa weyn ee Qaramada Midoobe ku ku leh codka diidmada qayaxan waxay dhulka ku jiideen damaca Yuhuuda.
Dowlada Britain oo ka mid ah dalalka dunida ugu waa weyn taariikh ahaan sidoo kalana ka mid ah dalalka codka diidmada qayaxan ku leh Qaramada Midoobe ayaa si weyn waxay u difaacday midnimada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa xusid mudan dhamaand dalalka leh codka diidmada qayaxan inay wada taaageereen midnimada Somalia balse Mareykanka kaliya wuxuu ka gaabsaday inuu cambaareeyo Israa’iil badalkeeda wuxuu sheegay inay xaq u leeyihiin ciday doonaan inay xiriri la yeelan karaan.
Masuulka u hadlay Britain wuxuu shirka ka sheegay ineysan cidna ka aqbalayn in Somalia la kala jaro waliba dhulka maamula Somaliland laga jaro Soomaaliya inteeda kale sida uu warka u dhigay.
Dowlada Britain waxay soo jeedisay in reer Hargeysa iyo reer Muqdisho macaamilaan islamarkaana meesha laga saaro iska hadalka Natanyahu.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -