HomeWarkiiDowlada Britain oo Maraakiibta ganacsiga kaga digtay isticmaalka meelaa u dhaw xeebaha...

Dowlada Britain oo Maraakiibta ganacsiga kaga digtay isticmaalka meelaa u dhaw xeebaha Somaia

War ka soo baxay dhanka Dowlada Britain ayaa si weyn loogu digay maraakiibta ganacsiga inay maraan oo isticmaalaan meelaha ku dhaw xeebaha Somalia.

Warkaan oo si gaar ah uga soo baxay Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa lagu sheegay inay jiraan dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan kooxo Dowlada Iiraan taageerto oo wata dooman shiraacan kuwaasoo lagu yaqaan dhanka tahriibinta.

Hay’adu waxay tusaale u soo qaadatay dooman lagu qabtay meel ku dhaw Dekada Garacad ee Badda Somalia ,sidoo kalana xoogaa u jirta magaalada Eyl oo iyaduna ka tirsan Puntland islamarkaana ah dhul xeebeed.

Hay’ada UK Maritime Trade Operations (UKMTO) waxay xustay in xeebaha Garacad lagu qabtay hal doon halka mid kalana ay baxsatay kuwaasoo qeyb ka ah doomanka ay kaga shakisan yihiin inay leeyihiin kooxaha Iiran taageerta .

Hay’ada Britain laga leeyahay waxay ugu baaqeysa maraakiibta inay dadaal iyo eejignaan muujiyaan hadii dhibaato ay dareemaan ay la xiriiraan Dowlada Somalia iyo Hay’adooda UK Maritime Trade Operations (UKMTO).

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -