HomeWarkiiDowlada Britain oo taageertay guusha laga gaaray mashruuca maareynta rasaasta ee Soomaaliya

Dowlada Britain oo taageertay guusha laga gaaray mashruuca maareynta rasaasta ee Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya ku ammaantay inay noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka guul ka gaaray qorshaha raadraaca iyo maareynta rasaasta.
War kasoo baxay Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan taageernay mashruuca maareynta rasaasta, waxaana bogaadinaynaa guusha laga gaaray qorshaha ay hoggaamineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.”
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka xakameynta rasaasta (AmTag), kaas oo ah hannaan casri ah oo lagu raadraaco rasaasta si loo ilaaliyo amniga loogana hortago in hubku galo gacmo khaldan.
Arrintani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee ay Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ugu jiraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -