HomeWarkiiDowlada Canada oo Muwaadiinteeda ku sugan Somalia inay deg deg uga soo...

Dowlada Canada oo Muwaadiinteeda ku sugan Somalia inay deg deg uga soo baxaan

TORONTO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Canada ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Somalia waxay ku amartay deg deg inay uga soo baxaan Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Dowlada Canada waxey muwaadiniinteeda ku wargelisay inaysan u safri karin Soomaaliya hadii ay dan ka soo gasho xataa sababo ay ku sheegeen amniga dhankiisa.

Dowlada Canada waxey xustay inay Koonfurta Soomaaliya ka jirto xaalad amni xumo sidaas daraadeed ay muwaadiniinta ugu amartay inaysan aadin Somalia ,sidoo alana kuwa joogana ka soo baxaan,Dowlada Canada wax sharaxaad dheeraad ah ama aysan bixin dhibaatada aan muuqan ee ay ka sheegayaan Somalia gaar ahaan Muqdisho oo ah xiligaan  halka ugu amniga wanaagsan guud ahaan Somalia.

Digniinta iyo amarka Canada ka soo baxay lama oga inuu ku lug leeyahay ajaanibtii dhawaan la sheegay inay ka baxeen Muqdisho kadib markii ay soo baxday warkii ahaa in la jabsaday xigta Nidaamka E-Visa islamarkaana ajaanib kumanaan ah xogtooda banaanka lagu shaaciyay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text that says "SOMALIA AVOID ALL TRAVEL Avoid all travel to Somalia. If you are currently in Somalia despite this advisory, you should leave immediately. The security situation in Somalia is extremely volatile and the threat of domestic terrorism is high, particularly in south- central Somalia and in the capital, Mogadishu. MCALE ADEN ABDULLE ADENABDULLEAIRPO AIRPO"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -