Dowlada Etoobiya oo qarka u saaran dagaal Ah li ah iyo Tigared oo war soo saartay

0

Dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Tigreyga ayaa lacaga cabsi qabaa in khalalaase ka dhacaan , kadib markii maamulka gobolkaasi uu shaaciyay in aysan ka amar qaadan doonin Dowlada federaalka ay sheegeen in mudo xileedkeeda uu dhamaaday.

Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigreega ee TPLF ayaa ku amray golayaasha kala duwan ee maamulkaasi ku matala dowlada federaalka ay ku jiraan Golaha Wakiilada in ay iska casilaan xilalka ay ka hayaan dowlada federaalka.

Getachew Reda oo ah xubin ka mid ah guddiga fulinta xibiga TPLF ayaa BBC u sheegay  in mudda xileedka baarlamaanka dalkaasi ku ekaa maalinti shalay, waxa uuna cadeeyay in mudo xileedka dowlada oo ahaa 5-sano uu soo dhamaaday.

“Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigreega kama aysan qayb gelin, xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan, baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri Getachew Reda .

Xisbiga TPLF ee Tigreyga ayaa shaaciyay in mudo xileedka dowlada federaalka Itoobiya uu soo dhamaaday, waxa ayna sharci daro ku tilmaameen in xilka sii hayaan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo xukuumadiisa .

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here