Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa soo magacawday Qunsul u fadhin doona deegaanada maamulka Puntland , waxaana qunsulkan lasoo magacaabay durba gaaray magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay kuna qaabilay Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhin doona Puntland Mr Degnachew Yitbarek.

Madaxtooyada maamulka Puntland ayaana sheegtay in Mr Degnachew Yitbarek loo soo magacaabay qunsulka cusub Puntland u jooga dowlada Itoobiya, waxa uuna qunsulkan la socon doonaa xaalada dadka Itoobiyaanka ah ee kunool deegaanada Puntland.

Ad by Valueimpression

Dowlada Itoobiya ayaana qunsulo ku leh maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaanma deegaanada labadaasi maamul kunool qaxooti badan oo kasoo qaxay dalka Itoobiya iyo kuwa arimo siyaasadeed horey dalkooda uga soo cararay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here