Itoobiya ayaa maanta dhagax-dhigtay xarun cusub oo ay yeelanayaan Ciidamada Badda Itoobiya, sidoo kalena waxa ay soo bandhigtay Astaan iyo lebbis cusub oo ciidankaasi loogu talo galay.

Taliyaha Ciidamada Badda Itoobiya Gen.Jula ayaa xarunta ay ciidamada badda yeelanayaan ka dhagax-dhigey magaalada Bishoftu ee gobolka Oromada.

Waxa xusid mudan in sababta keentay in itoobiya oo aan bad lahayn ay samaysato ciidan badeed ay daba socoto heshiis qarsoodi aha oo aan wali baarlamanka soomaliya looso bandhigin kaaso dhex maray Raysal wasaaraha itoobiya iyo madaxweyne farmaajo,
heshiis kaas wuxu dhigayey in afar dakadood oo soomaliya ah walina magacyadoda aan la shaacin oo isugu jira kuwa horey udhisna iyo kuwa hada kadib ay wadajir dhismahooda umaalgelin doonan Qadar iyo itooabiya ay ciidamada Bada itoobiya unoqon doonan saldhig gooda mustaqbalka dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here