War ka soo baxay Dalka Faransiiska ayaa lagu dhaleeceeyay dilka shaqaalaheeda oo Israa’iil ay ku dishay magaalada Rafah ee  marinka Gaza.

Wasaaradda Faransiiska u qaabilsan Yurub iyo arrimaha dibadda ayaa cambaareysay duqeynta Israa’iil ay ka geysatay dhismo ku yaalla magaalada Rafah halkaasoo uu ku dhintay mid ka mida shaqaalaheeda gobolkaas oo horay loogu dhawaaqay aag nabdoon.

Advertisement

Dowlada Faransiiska waxa ay cambaareyneysaa qaraxan lagu weeraray dhismo ay degan yihiin oo sababay dhimashada dad badan oo rayid ah oo uu ku jiro shaqaalahooda.

“Waxaan ka dalbaneynaa  Israa’iil sharaxaad inay ka bixiso sida   falkaasi  ku dhacay  sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay  wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli diblumaasiyadda sare ee Faransiiska Catherine Colonna ay Israa’iil ka codsatay xabbad joojin iyo nabad waarta.

=Source Al-jazeera=

Previous articleDiyaaradaha Drons-ka oo fuliyay Howlgal lagu beegsaday Sarkaal Alshabaab ka tirsan
Next articleDAAWO: Qaabka Madaxtooyada kadib markii ay ciidamada Somalia Amniga kala wareegeen ATMIS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here