Dhamaan madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ayaa aqbalay ka qaybgalka shirka uu qaban qaabadiisu wado James Swan wakiilka Qaramada midoobay, kaasoo lafilayo in maalmaha soo socda la isugu imaan doono magaalada Muqdisho, in kastoo wali uu jiro warka ah in kulanka uu ka dhici karo Baydhabo, balse warkaas hada ma xoog badna waayo waxaa Baydhabo cabsi ka keenay Axmad madoobe oo ka shakisan ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Shalay ayuu James Swan tagay garoowe wuxuu kulan laqaatay Madaxweyneyne Dani, kulanka kadib ayuu war uu soo saaray james swan ku yiri:

in kulankii uu la qaatay Deni ay kaga wada-hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, oo xiligan u muuqda mid meeqaamkiisu hoos u dhacay.
“Aniga iyo Madaxweynaha waxaan ka wada-hadalnay u diyaar garawga
doorashooyinka.

Waxaana u iftiimiyay baahida loo qabo tanaasul wax ku ool ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si heshiis looga gaaro hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, waana danta qaranka,” ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa socda kulamada aalda la is ka arko uu James Swan laqaadanayo musharixiinta si ay usameeyaan tanaasul dhamaan dhinacyada siyaasada isku haya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa umuuqda xiligan inay la wareegeen kaalintii dawlada federaalka ee isu keenida dhinacyada is haya markii ay dawladu waysay kalsoonida maamulada iyo siyaasiyiinta qaarkood.

Hadaba waxaa lafilayaa in dhamaadka bishan ilaa bilawga bisha Feb. Inuu kulanka wada hadalka doorashada uu qabsoomo.

waxaa sidoo kale socon doona hadalo ad-adag oo ay hanjabaad la socon doonto kuwaasoo ka soo bixi doona Wakiilada Beesha caalamka oo si toos iyo si dadbanba wax loogu sheegi doono dhamaan dhinacyada Siyaasada Soomaalida si looga dhabeeyo Hirgelinta doorasho wada ogol ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Lasoco wixii war ah ee ku soo kordha arimaha doorashada dalka.

Muqdisho
Ustad Nadara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here