HomeWarkiiDowlada Holand oo dhiseysa kaabayaasha dhaqaalaha Somalia

Dowlada Holand oo dhiseysa kaabayaasha dhaqaalaha Somalia

The Hague, Netherlands – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska, iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Netherlands.
Kulanka oo ka dhacay magaalada The Hague, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida:
Mashaariicda dhismaha dekedaha,
Garoomada diyaaradaha, iyo
Wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dalalka dariska ah
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay, Maamulka dhulka,
Horumarinta degmooyinka
iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qorsheyaasha la xiriira dib-u-habeynta magaalooyinka.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyadoo mudnaan la siinayo:
Sareynta sharciga,
Nabadeynta, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo
Taageerada geeddi-socodka doorashooyinka
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Netherlands, waxaana la qorsheynayaa in la qabto kulammo dheeraad ah, si loo mideeyo qorsheyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Netherlands.May be an image of 6 people and newsroomMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 8 people, newsroom and textMay be an image of 3 people, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -