HomeWarkiiDowlada Iiraan oo Saraakiil boqol ka badan looga dilay banaan-baxyada magaalooyinka dalkaasi...

Dowlada Iiraan oo Saraakiil boqol ka badan looga dilay banaan-baxyada magaalooyinka dalkaasi ka socda 

Banaan-baxyada ka socda Magaalooyinka Dalka Iiraan ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinten in ka badan boqol sarkaal oo Dowlada ka tirsanaa maalmihii la soo dhaafay xili banaan baxyadu noqdeen kuwo marba marka ka danbeeya sii korshaya.

Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa xustay in bishaan Janaayo dadka la dilay ay ku jiraan askar iyo shaqaale Dowladeed ,waxaana ka mid ah Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo waliba ciidamada gaarka ah.

Dowlada Iiraan waxay ku eedeysay in banaan-baxyadaan rabshadaha wata ee dadka lagu leynayo islamarkaana Dowlada looga soo horjeedo ay ka danbeyaaan Mareykanka iyo Israa’iil sida Wakaaladda wararka Iran sheegtay,waxay wakaaladu ku tilmaamtay kooxaha dhigaya isu soo baxa inay yihiin argagixiso hubaysan.

Sidoo kale wakaalada wararka Iiran waxay Ururada mucaaradka Iiran ku eedeeyeen inay iyaguna ka danbeeyaan isu soo baxyada hubeysan ee Dowlada looga soo horjeedo,waxayna Iiran isku darka Mareykanka iyo mucaaradkaba sheegtay inay inay isku dayayaan  khalkhal galin amni.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -