Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa si la yaab leh uga hadlay eedeynta Dowlada Qatar kadib iyo cambaareyntii dalalka carabta kadib duqeyntii Iiraan.
Wasiirka wuxuu sheegay in Dowlada Qatar ay ka carootay weerarkii ay ku qaadeen saldhiga Mareykanka ee Qatar sidoo kalana Carabtu cambaareeyeen.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in Wasiirku isaga laftigiisa uu cambaareynayo weerarka Dowladiisu ku qaaday Qatar.
“anniga laftigeyga waxaan waydiistay Dalalka Carabta in magacayga lagu daro warsaxaafadeedka lagu garab istaagayo dawladda Qatar, maxaa yeelay Iiraan way taageersan tahay Qatar balse saldhigga Mareykanka oo aan bartilmaameedsanay waa arrin gaar ah.” Ayuu yiri Wasiirka arimah dibada Iiraan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
