HomeWarkiiDowlada Iiran oo dacwad ku soo oogtay 23 ruux oo basaasiin u...

Dowlada Iiran oo dacwad ku soo oogtay 23 ruux oo basaasiin u ahaa Israa’iil

Wararka laga helaayo Dalka Iiraan ayaa sheegaya in ciidamadu soo qabteen dacwana ku soo oogeen 23 looga shakisan yahay inay yihiin basaasiin Israel waxaana la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Khuzestan ee dalka Iran.

Dacwad oogayaasha Iran ayaa 23-kaan qof ku u eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim xili intii dagaalku socday basaasiin dhowr ah Dowlada Iiraan tiirka daldalaada geysay.

Sida laga soo xigtay Tasnim, dacwad-oogayaasha guud ee magaalada Ahvaz, oo ku taal koonfur-galbeed ee waddanka ee u dhow xudduudda Ciraaq, ayaa ku eedeeyay tuhmanayaasha inay ku hawlan yihiin hawlaha qaran-dumis ah sida ururinta macluumaadka cadowga, iyo faafinta dacaayad ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo kuwo kale.

Eedeymaha loo haysto eedaysanayaasha ayaan si degdeg ah u xaqiijin karin warbaahinta madaxa bannaan iyo dadka u dooda xuquuqda.

Horaantii maanta, Tasnim ayaa sheegtay in dowladdu ay dil toogasho ah ku fulisay saddex qof oo lagu eedeeyay inay wadeen hawlo basaasnimo oo ka dhan ah dowladda gobolka Urmia, taasoo sare u kacday ugu yaraan lix qof oo ay dowladdu dil fulisay tan iyo bilowgii dagaalka  militari ee Israa’iil soo qaaday 13-kii June.

Garsoorka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ugu yaraan 700 oo qof oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Israa’iil la xiray 12-kii maalmood ee u dambeeyay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -