HomeWarkiiDowlada Iiran oo duqeyn xoogan u geysatay Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee Baxrayn.

Dowlada Iiran oo duqeyn xoogan u geysatay Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee Baxrayn.

Wararka ugu danbeeya ee xiisada dagaalka Bariga dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Cirka Iran weerar dhanka cirka ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee Baxrayn gaar ahaan saldhigga Sheekh Ciise.

Iran ayaa durba ka hadashay sababta ay duulaanka u qaaday waxayna shaaciyeen saraakiisha Iiran ee Waaxda xiriirka dadweynaha inay ka jawaabayeen duqeynta Mareykanka ee koonfurta dalka Iran gaar ahaan goobaha milateriga.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Dowlada Iiran waxay si weyn ugu eedeeyeen Mareykanka jebinta qodobbada qodobka 14-aad ee heshiiska is-afgaradka ahaa,saraakiisha ciidamada Iran oo weerarkooda sii faahfaahinayay ayaa daboolka ka qaaday inay adeegsadeen diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee Drons-ka loo yaqaan.

Saraakiisha ciidamada Cirka Iran waxay si toos ah oo laab laabad lahayn ugu hanjabeen Mareykanka hadii ay jabiyaan heshiiska xabad joojinta inay dhamaan weerari doonaan saldhigyada Maraykanka ee dalalka ku yaal dalalka ku dhaw dhaw Iran.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -