HomeWarkiiDowlada Iiran oo Mareykanka ku eedeysay weerarka Dalkeeda lagu soo qaaday

Dowlada Iiran oo Mareykanka ku eedeysay weerarka Dalkeeda lagu soo qaaday

Dowlada Iiran ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu ka dambeeyo weerarka saaka dalkeeda lagu soo qaaday kaasoo ay ku dhinteen saraakiil sar sar oo dalkaasi u dhashay sida Taliyihii guud ee ciidamada Milatariga Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi oo wariyayaasha la hadlay ayaa sheegay in Maamulka Israa’iil awood u lahayn inay fuliyaan weerarkaani hadii mareykanku ku garab siin sidaas daraadeed ay masuuliyada weerarkaasi qaadayaan Mareykanka sida uu warka u dhigay

” Israa’iil ma fulin karto weerarkan hadii Mareykanku isku soo dubaridin iyo waliba oggolaanshihiisa”ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibada Iiran wuxuu carabka ku adkeeyay in Ciidamada qalabka sida ee Iran ay difaaci doonaan qarankooda islamarkaana ay adeegsan doonaan waxkasta oo ay awoodaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Iran's FM Araghchi arrives at the head of diplomatic delegation to Beirut –  Syrian Arab News Agency

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -