TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Dowlada Iiraan ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin ahaa muwaadin u dhashay isla dalkooda balse basaas u ahaa sirdoonka Iraa’iil ee Mossad xili dalka iiran dagaal uu ku jiro.
Ninkaan basaaska u ahaa Yuhuuda oo magaciisa lagu sheegay Ismail Fikri ayaa lagu soo eedeeyay inuu madax u ahaa Shabakado Basaasiin ahaa kuwaasoo Yuhuuda kala shaqeynayay burburka dalka Iiraan.
Ismail Fikri wuxuu qeyb ka qaatay fududeynta howlgaladii lagu dilay Saraakiishii sar sare ee dalka Iiraan kuwaasoo lagu dilay duqeymo diyaaradeed maalmihii ugu dambeeyay.
Ugu dambeyn isna saaka ayaa la dal-dalay, laguna fuliyey xeerka deg deg ah ee dilka shaqsi kasta oo lagy helo basaasnimo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM



