Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi u qaadacday in Mareykanka u adeegsado dhulkeeda iyo hawadeeda hadii uu weerarayo Iiraan taasoo geesinimadeeda leh.
Wasaarada arimaha dibada Imaaraadka Carabta ayaa war qoraala oo ay warbaahinta u qeybiyeen waxay ku cadeeyeen mowqikooda ku aadan ineysan ogoleyn in dalkoda laga weeraro Dowlada Iiraan xili maalmihii ugu danbeysay la hadal hayo diyaar garowga Mareykanka weerar ay ku qaadaan Iiraan.
Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Mareykanka ee diyaaradaha xanbaara ayaa soo gaaray biyaga dalalka bariga dhexe la isku dhaho oo aad ugu dhaw Iiraan, markabkaan waxaa la hadal hayaa in Mareykanku u soo direen inuu weerar gantaalo ku qaado Iiraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ

