HomeWarkiiDowlada Imaaraadka oo maanta Bosoaaso kala baxday Ajaanib isugu jirtay  shaqaale iyo...

Dowlada Imaaraadka oo maanta Bosoaaso kala baxday Ajaanib isugu jirtay  shaqaale iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah.

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Xeebeedka Boosaaso Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaa wali ka socota qorshaha Imaaraadka Carabtu Somalia uga baxaayo markii ay Dowlada Somalia xiriirka u jartay  dhawaan kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada Dowladood kaasoo salka ku haya faragelinta joogtada ah ee gudaha Somalia uu ku hayay Imaaraadku.

Dowlada Imaaraadku waxay maanta Boosaaso kala baxday shaqaale ajaanib ahaa  iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ahaa kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa xarumaha a Imaaraadku ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada Calooshood u shaqeystayaasha ah waxay u badan yihiin kuwo u dhashay dalka Colombia,waxayna ku kala sugnaayeen saldhigga militariga ee Imaaraadku ku lahaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo waliba Xerada Ciidanka Badda Puntland.

Talaabadaan ayaa ah mid cadeyn u ah in amarkii Dowlada Somalia uu dhaqan galay kaasoo ahaa in Imaaraadku si degdeg ah uga baxo Somalia oo dhan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -