HomeWarkiiDowlada India oo ugu danbeyn taageertay midnimada Somalia,kana soo hor jeesatay aqoonsi...

Dowlada India oo ugu danbeyn taageertay midnimada Somalia,kana soo hor jeesatay aqoonsi beeneedka Israa’iil ee Somaliland

NEW DELHI (DAYNIILE.COM)-Dowlada India ayaa ugu danbeyn taageertay midnimada Somalia,kana soo hor jeesatay aqoonsi beeneedka Israa’iil ee Somaliland sida uu maanta  cadeeyay Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Dalkaasi Indiya Randhir Jaiswal.
Dowlada Hindiya oo xulafo dhow la ah Israa’iil ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa la hadal hayay inay aqoonsan doonto Maamulka Somaliland oo ay mari doonto wadada Israa’iil qaaday balse shirkii Qaramada Midoobe ay caalamku wada diideen isku dayga aqoonsi beeneedka ah ee Yuhuuda.
Musuulkaan u hadlay  India wuxuu cadeeyay inay taageersan yihiin madax bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Qaranka Somaaliya, Randhir Jaiswal ayaa warbaahinta maanta u xaqiijiyay in Hindiya oo xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya ay muhiimadeedu tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Maamulka Somaliland dadaal kasta oo ay u galeen inay kala jaraan midnimada Somalia way ku guul daretsteen waana isku deygoodii labaad oo ay soo bandhigaan 3 sano gudahood.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -