TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa daboolka ka qaaday ineysan iyagu wali go’aan ka qaadan inay Mareykanka dib ula bilaabaan wada hadal kadib dagaalkii ugu danbeeyay ioo carqaladeeyay nabadeyntii socotay.
Wasiirka mar uu ka hadlayay dhaq dhaqaaaqyada nabadeed ee hada socda ayuu ku sheegay inuu yahay kaliya fariimo la is dhaafsanayo oo ay dhex dhexaad ka yihiin Dowladaha Qatar iyo Pakistan, balse aysan jirin go’aan rasmi ah oo Iran gaartay
“Tehran aysan weli go’aan rasmi ah kama gaarin in dib loogu laabto wadahadallada Mareykanka” ayuu yiri Wasiir Abbas Araghchi
Warka ka soo baxay Wasiirja arimaha dibada Iran ayaa ku soo aadaya xili Mareykanku maalmihii ugu danbeeyay sheeganayay inuu isagu maamulo marin biyoodka Hormuz,taasoo ay u sii dheertahay in Trump shalay ka dhawaajiyay in marka ay ka adkaadaan Iran uu qorsheynayo in Hormuz noqoto dhul ka tirsan Maraykanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
