DOOLOOW (DAYNIILE.COM)- Waxaa maalmihii ugu danbeeyay si weyn u qabsaday baraha bulshada iyo warbaahinta war ku saabsan in Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Doolow ee Gobolka Geddo ay sedex maalin u qabteen ciidamada Dowlada Somalia iyo C/rashiid Janan inay uga baxaan Magaalada Balad-xaawo sida uu sheegay Gudoomiyaha Goblka Gedo ee dhanka Dowlada C/laahi shinbir, xili Dowlada Somalia oo ka hadashayna ay beenisay.
Wararka laga helaayo Gobolka Geddo ayaa sheegaya in saraakiisha Itoobiyaanka ee Doolow ku sugan inay ka hadleen islamarkaana ay gabi ahaanba meesha ka saareen jiritaanka warkaasi iyagoo si weyn u beeniyay.
Wararku waxay intaasi ku darayaan inay la haleen C/rashiid Janan oo ah taliyaha NISA islamarkaana u sheegeen inaysan ka suuragalin inay ku kacaan xad-gudub nuucaasi,saraakiisha Itoobiya waxay sheegen in labada Dowladood ay wada shaqeyn ka dhaxeyso ayna duulaan marna ku noqon karin.
Tan iyo wixii ka danbeeyay heshiiskii Ankara ku dhex-maray labada Dowladood ee Somalia iyo Itoobiya waxaa soo hagaagayay xiririkooda inkastoo ay ciidamada Itoobiya u muuqdaan kuwa mar kasta ka baxa heshisyada labada dal, tusaale ahaana ciidamadooda Doolow dhawaan waxay burburiyeen xeradii ciidamada Dowladu ku lahaayeen Doolow.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
