ADIS-ABABA (DAYNIIILE.COM)-Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay fal celinta caalamiga ah iyo tan Dowlada Somalia ee ka dhashay heshiiskii dhexmaray Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Redwan Hussain, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed Ali  sheegay inay la yaabeen fal celinta caalamiga ah islamarkaana aysan aheyn wax aysan fileyn

Advertisement

La taliyaha Abiy Axmed oo wareysi siiyay warbaahinta Dowlada Itoobiya wuxuu intaasi ku daray Maamulka Somaliland oo aan heysan aqoonsi uu hadana hore heshiisyo ula galay dalal dhowr ah.

Wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii Somaliland la gashay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta taasoo ah Shirkadda dekadaha Dubai ee DP World si ay dekada berbera u hormariyaan.

Redwan Hussain oo u muuqday kaliya inuu difaacayo heshiiska is af-garadka ah ee ay la galeen Somaliland ayaan wax badan ka dhihin arimaha la isku hayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay damaca Itoobiya
Next articleQarax khasaare gaystay oo Ciidamada Kenya lala eegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here