War ka soo baxay Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa lagu shaaciyay Kadib heshiiskii dhawaan dhex-maray Dowlada  Itoobiya iyo jabhada Tikreega ee TPLF inay wali sii socdaan xad-gudubyada dhanka xuquuqda aadanaha.

Qaramada Midoobe waxay muujisay in sidii hore aad looga fiican yahay marka loo eego xabadii dhaceysay iyo dhiigii daadanaayay hadana wali aysan Dowlada Itoobiya ku guuleysan in laga hortago xad-gudubyada dhanka xuquuqul insaanka.

Advertisement

“inkastoo hada waqooyiga Itoobiya aysan xabad ka dhaceen hadana taasi nabad buuxda wali kuma soo dabaalin dhulkaasi”ayuu yiri Maxamad Chande  oo ah Guddoomiyaha guddiga caalami ah oo ka kooban khuburrada xuquuqul insaanka oo loo xil saaray Itoobiya.

Gudigaan waxay sidoo kale xuseen in ciidamada Dalka Eretereya laftigoodu shacabka dhibateeyaan balse waxa markiiba beeniyay warkaasi masuul  u hadlay Eretereya kaasoo ku goodiyay inay soo saar doonan war rasmi ah ay arntaasi ka jawaabayaan.

Inkastoo Dowlada Abi Axmed  aysan wali ka jawaabin eedeymahaan hadana eeda ugu weyn uu soo saaray guddiga xuquuqul aadanaha ayaa ah xad-gudubyada dhanka jinsiga ama galmada ay ciidamdu ku dhaqaaqaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCali Guud-laawe iyo Shariif Sh.Axmed oo maanta ku kulmay deegaanka burka diirimeed+Sawirro
Next articleXildhibaan Dhaban-cad oo Deegaanka Camaara  kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here