War ka soo baxay Hay’adaha amaanka Dalka Itoobiya ayaa lagu shaaciyay inay qabteen fuustooyin shidaal ah oo laga soo geliyay si sharci daro ah dhanka xadka Somalia.

Sida BBC-du sheegtay Ciidamada Difaaca dalka Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigeen boggeeda Facebook waxay ku sheegeen in in shidaalka ay qabteen uu yahay 30 fuusto  oo laga keenay Soomaaliya.

Advertisement

Ciidamo ku jirey howlgal ayaa ku qabtay shidaalkaan aagga gobolka Afdheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Ciidamada Difaaca dalka Itoobiya waxay intaasi ku dareen in shidaalkaani oo laga keenay gobolada Jubooyinka Somalia haduu geli lahaa Itoobiya uu sii kordhin lahaa sicir barar.

“shidaalkaan wuxuu sabab u noqon karaa sicir bararka ka jira gudaha Itoobiya”ayuu yiri Taliye xigeenka ciidanka hawlgalkaan ku jiray

Dhanka kale ciidamadu waxay sheegeen in gaariga shidaalka qaday uu kaliya 49 kiilo mitir u jirey halkii loo rabay markii la qabanaayay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Hogaamiyaha Awdal State oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
Next articleTaliska Booliiska oo mar kale amray in shacabku ka guuraan dhulka Dab-damiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here