GAROWE (DAYNIILE.COM)-Dowlada Itoobiya ayaa sarkaal Janaraal ah u soo magacowday inuu wakiil uga noqdo Maamul Goboleedka Puntland kaaso noqon doona qunsul-ka cusub ee Garowe u u fadhin doona.
Madaxweynaha Maaamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe ku soo dhaweeyay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Puntland kaasoo magaciisa lagu sheegay Major General Tagesse Lambamo Dimbore.
Sida caadiga ah Dowladaha dariska nala ah ayaa si ay danahooda isku dirka Somalia u fushadaan waxay aalaaba wakiilo u soo dirsadaan maamulada Dalka ka jira sida Somaliland iyo Puntland xili Dowladaha Somalia ee xukunka isku daba maray aysan wax go’aan adag ah uga qaadan.
Qunsulkaan cusub iyo wafdigiisa ayaa kulan waxay durba la qaateen Madaxweynaha Maamulka Puntland Sacidi C/laahi Deni markii uu Madaxtooyada ku soo dhawenayay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



