ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay dhanka Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay Dowlada Eritrea inay gacan saar la leeyihiin kooxaha hubeysan ee Dowladooda ka soo horjeedan islamarkaana ay waliba heysataan qeyb ka mid ah dhulka Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos ayaa warbaahinta u sheegay dhul ay Milateriga Dowlada Eritrea ka qabsadeen Itoobiya ay wali xoogg ku heystaan,Itoobiya waxay intaasi ku dartay talaabada Eriteriya ay tahay mid hurinaysa xiisad cusub iyo colaad hor leh oo ka dhalata Geeska Afrika.
Maaha markii ugu horeysay oo eedeymo ay isku jeediyaan labada dal ee deriska ah oo marna saaxiibo noqdeen walow ay dib ka kala boodeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COO
