ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Shir jaraa’id uu qabtay Ridwan Xuseen oo ah la taliyaha dhanka amaanka ee Abiy Axmd  ayaa ka hadlay hadal heynta ka dhalatay damacooda dhul boobka ku saleysan ee ay kula kaceen dariskooda Somalia.

Ridwaan  wuxuu sheegay in habka looga hadlay uu yahay mid lagu marin habaabinayo heshiiska is afgaradka ahaa.

Advertisement

“faafinta wararka marin habaabinta ah iyo ujeedooyinka maldahan ee laga leeyahay heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid la doonayo in qalalaase iyo xiisad dagaal looga abuuro bariga afrika gaar ahaan Somalia iyo Itoobiya oo ah dalal walaalo ah”ayuu yiri Ridwaan Xuseen sida aan ka soo xiganay radio-kulmiye

“cid aan dhul ka qaadaneyno ma jirto waanu kireysanay oo kaliya sida qof kasta oo somaliland ah uu u ogyahay,waxaa jira wadamo hore saldhigyo ugu lahaa Somalland iyo waliba Jabuuti balse waxaa la yaab leh in itoobiya si gaar ah loo falanqeeyo danaheeda “ayuu mar kale yiri la taliyaha Abiy Axmed

Ridwan Xuseen wuxuu sheegay inay wax kasta ha ku qaadatee in Itoobiya xaqiijineyso dekad ay kala soo degto badeecadaheeda.

Ridwaan wuxuuna sheegay inay u galeen heshiiska Somaliland sidii ay u maareeyn lahaayeen baahida ay u qabaan dekad islamarkaana ay u kordhin lahaayeen ganacsihooda dibada

“si aan u maareyno nolosha malaayiin Itoobiyaan ah waxaan u baahanahay dekad kale “ayuu yiri Ridwan Xuseen oo adis ababa saxaafada kula hadlaayay

Sarkaalkaan wuxuu xusay inay 30-kii sano ee la soo dhaafay badeecadaha kala soo degayeen dakada Jabuuti balse ay hada muhiim u tahay goob labaad oo ay badeecadahooda kala soo degaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

ETHIOPIA : Abiy appoints Redwan Hussein as national security adviser - 09/06/2022 - Africa Intelligence

Previous articleAjandaha Shirka Saaka ay Muqdisho ku leeyihiin Xidhibaanada Labada Aqal
Next articleCiidamo Itoobiyaan ah oo ku soo qul qulaya Gobolka Geddo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here