Maxkamad laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa 2 sano ka dib waxay xukun ku rideen xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanada alshabaab ee soomaaliya ka dagaalama kuwaasoo dagaalka lagu qabtay.

Maxkamada Itoobiya siday sheegtay 41 dagaalame oo alshabaab ka tirsan ayaa xukun lagu riday kuwaasoo ku eedeysan inay u talaaben dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya islamarkaana ay laayeen boqolaal ka tirsan ciidamada Liyuu boliis-ka loo yaqaan ee Itoobiya.

Advertisement

Xabi 2 sano ah iyo xabsi daa’in ayaa lagu kala xukmay xubnahaan alshabaabka ka tirsanaa sida Itoobiyaanku sheegeen.

Alshabaabka la xukumay waxaa lagu eedeeyay inay dileen 265 halka ay dhaawaceen 323 kuwaasoo dhamaantood ka tirsan ciidamada liyuu booliiska ah ee gaarka u ah dhulka  Dowlad deegaanka Itoobiya.

Degmooyin iyo deegaano hoos taga gobolada Afdheer iyo Shabeelle ayaa lagu eedeeyay alshabaabku inay weerar ku qaadeen, sanadkii 2022 kii,sidoo kale Itoobiyaanku waxay sheegeen in alshabaabka la qabtay ee hada la xukumay inay ku jiraan hogaamiyayaal inkastoo wax cadeyna aysan soo bandhigin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMareykanka oo codka diidmada qayaxan ku hor istaagay xabad-joojin laga hirgeli lahaa Xamaas iyo Yuhuuda
Next articleMaxkamadeynta Ninkii Xaasikiisa gubay oo goor dhaw bilaabatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here