ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wasiir ku xigeenka Isgaarsiinta Itoobiya ayaa ka hadlay wararka qabsadah saxaafada iyo baraha bulshada ee ah in si xun loola dhaqmay wafdigii Madaxxweynaha Soomaaliya ee Adis-ababa u tagay ka qeybgalka shirka Midowga Afrika.
Wasiirka wuxuu gabi ahaanba beeniyay dhaliisha loo jeediyay Dowlada Itoobiya wuxuuna  xusay in Madaxweynaha Somalia markuu imaanaayay si fiican loo soo dhaweeyay.

“Itoobiya waxay xushmad buuxda siisay Madaxweynaha Soomalia  oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid shirka midowga Afrika”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Mar uu ka hadlaayay dhanka Amniga wuxuu sheegay in Itoobiya masuul ka tahay amniga madaxweyhayaasha shirka ka soo qeybgalay guud ahaantood intey dalka ku sugan yihiin.

Advertisement

Masuulkaan oo sidoo kale u muuqday mid difaacaya qaladkii Itoobiya gashay ayaa ku eedeeyay ciidamo Soomaali ah oo ilaalo u ah madaxweynaha Somalia ay isku dayer  inay hub la galaan axarunta Midowga Afrika balse laga diiday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in  wafdiga Somalia diideen in amnigooda sugaan ciidako Itoobiyaan ah.

“Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda”ayuu uiri wasiirka u hadlay Itoohiya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSoomaaliya maxay kaga jawaabi kartaa xad-gudub-yadii shalay ka dhacay Adis-ababa
Next articleAbiy Axmed oo sheegay in Xasan Sheikh diiday inuu kala hadlo heshiiskii uu la galay Muuse Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here