MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Marka la eego sida wax ku socdaan iyo eedeymihii ugu dambeeyay ee ka yimid mucaaradka la baxay Golaha samatabixinta iyo aamusnaanta dhanka Dowlada waxaa muuqanaya kala shaki oo kaliya inuU jiro, sidoo kale waxaa jira kala qeybsanaan dhanka mucaaradka inkastoo uusan banaanka oolin.
Guud ahaan cadeymaha waxyaabaha mugdiga ku jira waxaa sii adkeeyay Ra’iisulwasaare Xamza laftigiisa oo heshiiskii labada dhinac isaga laftigiisa mar u hadlay sida shaqsi aanba la socon halka wax marayaam madaama wax aan saas u buurneyn oo ereryo xanafle leh uu ka dhawaajiyay kadib dhowr siyaasi sida Kheyre iyo Shariif ayaa iyaguna wax tuur tuureen.
Madaxweyne Xassan oo u muuqday inuu dadaal gelinayo sidii uu ugu yaraan mucaaradka samatabxinta u qancin lahaa ayaaan ka hadlin cabashada danbe ee mucaaradka taasoo ah in Dowladu balantii uga baxday madaama ay Balad-xaawo dagaal kula galeen Jubaland islamarkaana diyaradaha ciidamada cirka Somalia ay dhowr mar saanado hub ah geeyeen Balad-xaawo.
Si kastaba rajada is fahamka labadaan dhinac wali ma dhiman marka la eego aamusnaanta Madaxweyne Xassan oo awalba geed fadhi u ahaa isu soo dhawaanshaha labada dhinac xili waliba hadalada Xasan Cali Kheyre iyo Shariif laga dareemayay daganaan iyo is ilaalis mana aysan u hadlin sida in albaabadii soo xirmeen oo kale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
