HomeWarkiiDowlada Kenya oo ka digtay roobab waa weyn oo ku soo wajahan...

Dowlada Kenya oo ka digtay roobab waa weyn oo ku soo wajahan dalkaasi

Sida aan a soo xiganay Idaacada StarFM ee codka waqooyi Beri-kenya Dowlada ayaa ka digeysa roobab waa weyn oo ku soo wajahan qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaasi.

Waaxda saadaasha hawada ee dalkani Kenya ayaa soo saartay digniin ku aadan roobabka xooggan ee la filayo in ay ka da’aan qeybo ka mid ah dalka laga bilaabo maalinta Axada ee ku beegan 17-ka Agoosto, waxaana ka dhalan kara fatahaado, danab, dabeylo xooggan iyo burbur hantiyeed.
Marka loo eego la-talinta la soo saaray ,, roobabka la saadaaliyay in ka da’aan Harada Victoria Basin, Rift Valley iyo Highlands West of Rift Valley ,waxaa ayna roobabka ku sii fidi karaan dhanka bari ilaa Bartamaha iyo Bariga Dhexe ee dalka.
Roobabkan ayaa sido kale la sheegay inay sii socon doonaan illaa maalinta Talaadada ah ee ku beegan 19-ka bishan Agoosto.
Ismaamulada la saadaaliyay in ay roobabka saameeyaan ayaa waxaa ka mid ah Kisumu, Homa Bay, Siaya, Migori, Busia, Kisii, Nyamira, Nandi, Kericho, Bomet, Kakamega, Vihiga, iyo Bungoma.
Deegaanada kale ee walaaca laga qabo waxaa ay kala yihiin Narok, Baringo, Nakuru, Trans Nzoia, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, West Pokot, Turkana, Samburu, Marsabit, Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Kirinyaga, Nairobi, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu iyo Tharaka-Nithi.
Waaxda saadaasha hawada ee qaranka ayaa ku boorisay dadka deggan gobollada ay roobabka ka da’I doonaan inay ka feejignaadaan fatahaadaha, gaar ahaan bulshooyiinka daggan dhulalka uu joogoodu hooseeyo iyo sido kale dadka u dhaw goobaha wabiyada.

=XIGASHO STARFM=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -