.

 

 

Xili bisha soo socoto lagu wado in la iskugu yimaado Maxkamada ICJ ee Caalamka ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Kenya ay badashay dhamaan Qareenadii u doodayay Bada.

 

 

Dowladda Kenya oo dhowaan ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa haatan bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee taal maxakamadda ICJ

 

Xukuumadda Nairobi ayaa soo xulatay illaa siddeed qareen oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin Ajaaniib ah, halka xubinta 8-aad ay tahay haweeney Kenyaan ah.

Dhammaan qareenadan ayaa ah kuwa caalami ah oo leh qibrad sare, islamarkaana kasoo shaqeeyey xarumo kala duwan & jaamacado, waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law.

Sidoo kale waxaa wehelinaya qareen kale oo la yiraahod Tullion Treves oo sidoo kale ahaa garsoore hore oo ka tirsanaa maxkamadda caalamiga ah ee sharciga badaha.

Justice Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) kiis la mid ah kii Peru iyo Chile.

Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah. Waxay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi oo ay ku qalin jabisay darajooyinka heerka koowaad.

.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here