Nairobi (dayniiile.com)-War ka soo baxay Dowlada Kenya ayaa lagu shaaciyay in sedexda asbuuc ee soo socota ay di’i doonaan roobab wata duufaan iyo dabeylo sida ay sheegeen kooxaha saadaaliya cimilada.

Digniinta saadaasha ah ee ay soo saareen madaxda Kenaya ayaa si gaar ah looga digay dhulka Soomaalida Kenya ay degaan ee waqooyi bario kenya.

Advertisement

Warkaan ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay roobabkaan cusub inay uga sii dari karaan dhibaatadii awalba ka taagnaa dalal ka tirsan geeska Afrika.

“dadku waxay soo xasuusan doonaan dabeylaha Elnino ee hore uga dhacay Afrika”ayaa lagu yiri warka Kenya ka soo baxay.

Warbixintan Dowlada Kenya waxaa sidoo kale lagu sheegay in ilaa dhamaadka bisha December roobabkaani la saadaalinayo ay socon doonaan iyagoo si gar ah fariin digniin ah ugu diray dhulka Soomaalida kenya.

Soomaalida gaarisa,wajeer ,mandheera iyo goobaha kalaba degan ayaa loogu baaqay inay ka dheeraadaan meelaha biya mareenada ah iyo wabiyada.

Inta badan Dadka Muslimiinta ah ahmiyad ma siiyaan saadaasha dalalka dunida ay soo saaran kaliyana waxay aaminsan yihiin iney aduunka ka dhacayaan oo kaliya qadarta Alle xili 99% saadaalaha dunida ay been noqdaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Ruushka oo Soomaaliya u soo dirtay Markab Raashin ah.
Next articleXamaas iyo Israa’iil oo Saaka aroortii  is dhaafsaday Maxaabiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here