Madaxweynaha Dalka Kenya iyo Xukuumadiisa oo hal sano xilka haya ayaa durba la yimid is badal ka duwan Dowladihii hore marka loo eego helitaanka aqoonsiga sharciyada dalkaasi.

Dowladaani waxaa la soo sheegayaa inay aad u sahashay ama soo yareysay waqtigii badnaa ee awal muwaadiniinta Kenya uga bixi jirey helitaanka ID-ga Dalkaasi ama kibaandhaha iyo waliba Baasaboorka.

Advertisement

Dadka dhibaatada badan ku qabay mudo sanado ah waxaa ka mida dadkeena Soomaalida ah ee ku dhaqan Gobolka waqooyio Bari kuwaasoo aad loogu adkeyn jirey, waliba musuq maasuq  dhanka dhaqaalaha ah ayaa jira inkastoo Dowladaani u muuqata mid mudo kadib arimahani wax ka badashay.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa la sheegay inuu joogto u booqanayay maalmahaan danbe xarumaha laga bixiyo Baasa-booada  iyo kibaandhaha Kenya isagoo hubinaya fulinta amarada ay dul dhigeen hay’adahooda socdaalka iyo jinsiyadaha.

Wasiirka wuxuu ku amray xarumaha socdaalka iyo jinsiyadaha iyo kuwa dhalashada bixiyaba in 24 saac muwaadinka lagu siiyo dalabkiisa ku aadan Kibaandhaha ama baasaboorka halkii awal bilo la sugi jirey.

Dhibaatada ay dadka Soomaalida hore uga qabeen waxaa sidoo kale ka mid ahayd in qofka qasab looga dhigo inuu yaqaan luuqada sawaaxiliga haduu rabo kibaandho ama baasaboor.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here