NAIROBI (DAYNIIIILE.COM)-Sida uu saxaafada la wadaagay Wasiirka arimaha gudaha kenya ciidamo badan oo dheeraad ah ayay geyeen magaalooyin badan sida ismaamulada jira dhanka xuduuda Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu xusay inay ka cabsi qabaan weeraro inay ka yimaadaan dhanka kooxda Alshabaab kuwaasoo horaba weeraro ugu hayay Kenya.

Advertisement

Ciidamo iyo saraakiil xitaa faxayo ku maqnaa ayuu wasiirku sheegay inay dib ugu waceen si ay xoogga uga saaraan ka hortaga weerarada ay Alshabaab ku soo qaadi karaan dabaal degyada maalmaha kirismiska oo hada bilow ah islamarkaana socon doona ilaa bilowga sanadka cusub.

Wasiirka oo la dar daarmayay shaqcabka Kenya ee u dabaal degaya iida masiixiga ayaa faray inay cid kasta oo ay amnigooda uga shakiyaan ku soo wargeliyaan Booliiska.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleQodobada ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Siyaasiyiinta Mucaradka
Next articleXuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga oo Maanta Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here