Garisa (dayniiile.com)-Dowlada Kenya ayaa war ka soo saartay weerar ay shalay ciidamadoodu ku qaadeen fariisin Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka hoos taga Gaarisa oo lagu magacaabo Dabalweyn.

Ciidamada ayaa sheegay inay gabi ahaanba la wareegeen goobtaasi ayna ku dileen mid ka mida Alshabaab-kii goobta ku sugnaa,sidoo kale waxay ciidamadu sheegeen inay goobta ka heleen 3 qorey oo AK47 ah iyo Rasaastiisa oo sedex qasnad ahaa.

Advertisement

Ciidamada ayaa ka war helay fariisinkaasi kadibna weerar ayay ku ekeeyeen xili ay hore dhowr mar ugu goodiyeen inay Alshabaab ka nadiifin doonaan dhulka Kenyaanku maamulo ee Soomali Kenya.

Dhanka kala ma aysan sheegin halka ay qabteen kooxda Alshabaab intii ka baxsatay goobtaasi xili Alshabaab laftoodu wali warkaan ka hadlin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

 

 

Previous articleAfhayeenka Xamaas oo si jees jees ah uga hadlay Heshiiska maxaabiis is dhaafsiga
Next articleLaba Burcad ah oo lagu dhex toogtay Magaalada Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here