HomeWarkiiDowlada Kenya oo ku amartay ciidamadii Jubaland ee lagu soo jabiyay Balad-xaawo...

Dowlada Kenya oo ku amartay ciidamadii Jubaland ee lagu soo jabiyay Balad-xaawo inay ka baxaan aaga Mandera  

MANDERA (DAYNIILE.COM)-Wararka imaanaya Magaalada Mandera ee ku taal xad beeneedka Somalia iyo Kenya ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay ku amartay ciidamada Jubaland inay Mandera kaga baxaan 24-saac gudahood.

Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ee loo qabtay 24-ka saac ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwii dhawaan lagu jabshay dagaalkii ka dhacaya dhawaan Magaalada Balad-xaawo kadib dagaal socday mudo ku dhaw asbuuc oo kala dhexeeyay ciidamada Dowlada Somalia.

Deegaan dhaca duleedka Mandera oo lagu magacaabo BB1 ayaa la soo sheegayaa inay ciidamada Axmed Madoobe ku sugnaayeen tan iyo markii dagaalka lagu jbiyay iyagoo doonayay inay halkaasi isku soo urursadaan ayaa ugu danbeyn waxaa dacwo ka gudbiyay dadka deegaankaasi kuwaasoo Dowlada Kenya gaarsiiyay.

Waxgaradka degan BB1 ayaa ka cabtay ineyan xamali karin ciidamo iyo hub aan ahayn kan Dowlada ee amnigooda lagu sugo,waxay Dowlada Kenya ka codsadeen in laga dul qaado ciidamadaasi Soomaalida ah.

Dacwada markii ay gaartay Dowlada kenya ayay degdeg uga so jawaabtay waxayna 24 saac u qabatay ciidamada maamulk Jubaland inay uga baxaan soonka Kenya maamusho ee Mandera kuna laabtaan deegaanadooda.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in dhawaan C/rashidi Janan uu ka codsaday Dowlada Kenya inay iska fogeyso ciidamada Jubaland ee dhankooda soo aaday si ay uga baaqsadaan dhibaato dagaal,kadib waxaa sii xoojiyay odayaasha ku dhaqan halka ciidamadu isku urursanayeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -