Nairoi (dayniiile.com)-Dalka Kenya ayaa tira-koob cusub ka soo saaray dadka ku geeriyooday roobabka Elnino iyo daadadka ka dhashay.

120 ruux ayaa geeriyooday tan iyo markuu bilowday roobabka Elnino, sidoo kale waxaa ku barakacay 90,000 qoys sida lagu sheegay warka ka soo baxay Dowlada Kenya.

Advertisement

Tira-koobkaan cusub ayaa ah lanbar badan marka loo eego tira koobkii ugu danbeeyay ee Dowladu ka soo saarto khasaaraha nafeed ee ka dhashay roobabka Elnino.

Warbixinta Kenya ka soo baxday waxaa lagu sheegay in Gobolada ugu badan ee dhibaatooyinka laga soo sheegayo ay kala yihiin Garissa, Wajeer, Tana River iyo Mandheera.

Guryo badan ayaa ku burburey sidoo kale beerihii waxaa harqiyay biyaha roobka,sidoo kale xoolo badan ayaa ku bakhtiyay inkastoo tira sax ah aan laga heyn burburka guryaha iyo bakhtiga xoolaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMareykanka oo Mucaawino u soo diray Gaza 
Next articleQarax mar kale loo geystay goob Ganacsi oo lagu xirey kaamirada qarsoon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here