HomeWarkiiDowlada Kenya oo xireysa maqaayadaha Soomaalida ee Xaafadda Islii.

Dowlada Kenya oo xireysa maqaayadaha Soomaalida ee Xaafadda Islii.

May be an image of one or more people, table and text

NAIROBI (DAYNIILE.COM)- Xoghayaha Guud ee Arrimaha Caafimaadka Ismaamulka Nairobi ee Dowlada Kenya ayaa maanta soo gaaray Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu u badan tahay islamarkaana ganacsiga ugu xooggan uu ka jiro marka la eego suuqyada kale ee Nairobi.

Masuulkaani ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay Ganacsatada Soomaalida gaar ahaan kuwa leh Maqaayadaha ama Restaurant-yada kuwaasoo uu kala hadlay dhanka nadaafada isagoo ugu goodiyay in dhamaan la xiri doono maqaayadii dhankaasi ku liidata.

Xoghayaha Guud ee Arrimaha Caafimaadka Ismaamulka Nairob wuxuu sheegay inay maalmaha soo socda bilaabi doonaan kormeer ay ku sameyn doonaan maqaayadaha Islii islamarkaana ay gabi ahaanba xiri doonaa milkiiliii agu arko in maqaayadiisu liidato nadaafad ahaan.

Sarkaakaan wuxuu sidoo kale dul dhigay milkiilayaasha amar culus oo ah inay koontaroolaan caafimaadka dhaqaalahooda sida kuwa raashinka kariya iyo kuwa kabalyeeriyayaasha ah ama waterada iyado dhamaantood laga qaadayo saxarada si loo soo baaro caafimaadkooda.

Talaabada baarista caafimaadka milkiilihii ka hor yimaada wuxuu ugu hanjabay inay maqaayadana albaabada isugu laabi doonaa isagana xabsiga dhigi doonaan.

lama yaqaan sida ay isu;la jaan qaadi doonaan Dowlada hoose ee Nairobi iyo Soomaalida oo madax adeyg lagu yaqaan walow marka ay qurba ay joogaan xoogaa cabsadaan marka loo eego xiliga ay dalkooda ku sugan yihin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -