Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Malawi ay kala hadashay xaaladda waddaad muran badan dhaliyay oo la yiraahdo Shepherd Bushiri iyo xaaskiisa Mary kuwaas oo dhawaan u baxsaday dhinaca dalkaas.

Waddaadka iyo xaaskiisa ayaa Koonfur Afrika ku wajahayay dacwado la xiriiro wax isdaba marin inay lacago si sharci darro ah ay ku heleen, waxay banaanka ku joogeen damaanad.

Mr Bushiri oo ay taageerayaashiisu u yaqaanaan Major ayaa Sabtidii shaaciyay in uu u cararay dhinaca Koonfur Afrika kaddib markii loo hanjabay.

Wuxuu diiday in BBC-da uu kala hadlo qaabka uu ku baxsaday balse waxaa loo maleynayaa inay Koonfurka ay geliyeen koox si sharci darro ah xudduudka uga gudbisa baabuurta lasoo xado.

Baxsashada waddaadkan ayaa xiisad ay ka dhex abuurtay xiriirka diblumaasiyeed ee Malawi iyo Koonfur Afrika.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku tilmaantay waddaadka iyo xaaskiisa inay yihiin dad dhuumaaleysi ku jiro isla markaana ay tahay in la tarxiilo si caddaallada ay uga wajahaan Malaw

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here