HomeWarkiiDowlada Mareykanka oo ka carootay talaabada askar Soomaaliyeed ugu istaageen calankooda.

Dowlada Mareykanka oo ka carootay talaabada askar Soomaaliyeed ugu istaageen calankooda.

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay talaabada askar Soomaaliyeed meel fagaare ah ugu istaageen calankooda kaasoo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinada kale ee caadiga ah.

Mareykanka waxay sheegeen in talaabadaasi dhibaato u keeni karto xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Dowlada Mareykanka iyo Somalia xili la ogahay in Mareykanku dhaqaale badan ku bixiyo Dowladnimada Somalia.

Sidoo kale Mareykanku waxay tilmaameen in falkaasi niyad jab ku yahay dadwenaha Ameerikaanka xili kumanaan ku Somali ahna ay ku nool yihiin Magaalooyinka Dalka Mareykanka,Sidoo kale waxay Dowlada USA ka digtay talaabooyinka nuucaasi oo kale inkastoo aysan ku dhawaaqin inay xiriirka u jarayaan Somalia.

Warka Ameerikaanka ka soo baxay wuxuu ku soo aadayaa xili maanta Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia u cadeysay Mareykanka inay soo xireen dhamaan askartii falkaasi ka danbeysay islamarkana ay la xisaabtami doonaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -