Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay gudaha Dalka Mareykanka kadib markii xabsiga laga sii daayay sarkaal Israa’iili ah oo lagu magacaabo Tom Artiom Alexandrovich ee Nevada kaasoo ku eedeysan inuu kufsaday caruur aan wali qaangaarin, waxaana isa soo taraya eedeymaha ay wajkaheyso Dowlada.
Eeda ugu culus ayaa ah in Masuuliyiin Dowlada ku jira ay faregeiyeen arimaha garsoorka ayna ka shaqeeyeen in eedeysanaha Xabsiga laga sii daayo si damin ah xili wali aan cadaalada la geyn ninkaasi yuhuudiga ah.
Dadweynaha Mareykanka ayaa is weydiinaya su’aalo ay ka mid yihiin sidee loogu ogolaaday eedeysanaha Israa’iiliga ah ee ku eedeeysan ‘galmoodka carruurta inuu ka tago Mareykanka?
Sarkaal-kaan sare ee Israa’iiligq ah ayaa dhawaan lagu xiray Maraykanka horaantii bishan, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu galmo la galay ilmo aan qaan-gaarin, balse dammaanad lagu sii daayey iyada oo aan wax sabab ah loo heyn in Dowlady oggolaato in xabsiga laga sii daayo.
Sarkaalkaan Yuhuud ah ee kufsiga ku eedeysan ayaa ah sarkaalka amniga internetka ka shaqeeya.
Kiiska ku saabsan Tom Artiom Alexandrovich ee Nevada ayaa hadda dhaliyay muran badan, iyadoo siyaasiyiinta iyo dadka ka faallooda baraha bulshada ay ku eedeeyeen dowladda inay faragelin ku heyso hannaanka garsoorka si ay u ogolaato sarkaalka amniga internetka inuu gurigiisa ku laabto isagoo aan wajahayn cadaalad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kiiska kufsiga caruurta ee sarkaalkaani ku eedeysan yahay uu xukunkiisa yahay 10 sano xarig ah marka la eego nidaamka iyo dastuurka Dalka Mareykanka, sarkakaan waxaa la hadal hayaa in lagu sii daayay lacag dhan 10,000 oo dollar.
Richard Davies, oo ah qareenka difaacaya eedeysanaha ayaa u sheegay Al Jazeera inay jirto warark sheegaya in la sii deyaayay Alexandrovich in kasta oo ay halis tahay eedeymaha loo heysto.
“Celcelis ahaan Joe wuxuu ka soo muuqan doonaa caddaaladda nabadda 24 saacadood gudahood. Caddaaladda nabadda ee gobolkaas waxay soo saari doontaa shuruudaha dammaanadda, taas oo inta badan ka mid ah qalabka GPS, xayiraadaha dhaqdhaqaaqa, looma ogola inuu ka tago gobolka,” ayuu yiri Qareenka u doodaya eedeysanaha Davies.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
