Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Dowlada Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta abaalmariyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee guusha taariikhiga ah ka gaaray dagaalkii lagu jebiyay Khawaarijta Al-Shabaab, kadib munaasabad lagu qabtay degmada Ceel-Dheer.
Munaasabadda ayaa isugu jirtay duceynta geesiyaashii shahiiday, dhiirigelin iyo abaalmarino la guddoonsiiyay ciidamadii guusha ka soo hooyay dagaalka, iyada oo ay goob-joog ahaayeen saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo maamulka degmada Ceel-Dheer.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa geesiyaasha Qaranka guddoonsiiyay billado iyo abaalmarino kala duwan, isaga oo xusay in tallaabadan ay tahay mid lagu muujinayo mahadnaq qaran oo ku aaddan geesinimada ay muujiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee ka adkaaday kooxaha Khawaarijta ah.





![]()




