HomeWarkiiDowlada oo amartay in mar kale la diiwaan geliyo ardayda ku baastay...

Dowlada oo amartay in mar kale la diiwaan geliyo ardayda ku baastay Imtixaanka Dugsiga sare 2024/2025

War ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Somalia ayaa lagu amray in male la diiwaan geliyo ardayda ku baastay Imtixaanka Dugsiga sare 2024/2025.
Qoraalka ka soo baxay wasaarada Waxbarashada ayaa sidan u qornaa :-
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee dalka in ardayda ku baastay Imtixaanka Fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, isla markaana haysta aqoonsiga NIRA, ay waajib tahay in ay iska diiwaangeliyaan mareegta hoos ku xusan.
Diiwaangelintani waxay muhiim u tahay habsami u socodka hawlaha shahaado bixinta iyo xaqiijinta saxda ah ee xogta ardayda. Sidaa darteed, waxaa laga codsanayaa Maamulayaasha in ay ardayda si degdeg ah ugu wargeliyaan una hagaan habka diiwaangelinta si aanay uga baaqan ama xogta uga khaldamin.
Mareegta Diiwaangelinta:
Mahadsanidiin.
Wixii faahfaahin ah fadlan la xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Abdiaziz Wali
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -