MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Caawa waqti danbe waxay xabsiga dhigteen siyaasiyiin iyo Ganacsade ka tirsan mucaaradka samatabixinta sida Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Diinta Cumar Cali Rooble.
Sidoo kale dadka la xirey waxaa ka mid ah Ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo sidoo kale Bulaale kuwaasoo dhamaantood ku heyb ah Madaxweyne Xassan, waxaana laga qabtay Degnada Shihis ee Magaalada Muqdhsho oo deegaan u ah Ganacsadaha.
Wararka aan helnay waxay intaasi ku darayaan in sedexda masuul ee la xirey ay aad uga soo horjeedaan arimaha dhulka ee maalmihii ugu dambeeyay lagu eedeeynayay Dowlada Somalia.
Sidoo kale Siyaasiyiintaan iyo ganacsadahaan oo ka soo jeeda jufada hoose ee Madaxweynaha ee Wacaysle ayaa wararku waxay tilmaamayaan inay shalay ku jireen wafdigii ay hogaaminayeen madaxda mucaaradka samatabixinta ee shalay ciidamada Dowladu iska hor imaadka ku dhexmaray Saldhiga Booliiska Warta nabada.
Si kastaba xarigaan oo lagu wado inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan madaxda mucaaradka ayaa dhanka kale laga cabsi qabaa inuu sii laba jibaaro xiisada ka dhex taagan Mucaaradka iyo Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
